Madaxweynaha dalka oo la kulmay dhigiisa Masar

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo galinkii dambe ee shalay ka soo ambabaxay wadanka Faransiiska ayaa soo maray Masar halkaas oo uu kulan kula qaatay Cabdel Fattaax Al-Sisi.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa sheegtay in labadan mas’uul ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo taabanaya danaha Kenya iyo Masar.
Qodobbada ay diiradda saareen waxaa ka mid ah amniga gobolka iyo ganacsiga.
Sido kale Mr. Kenyatta iyo Al-Sisi ayaa soo hadal qaaday qaabka qaaradda Afrika ay kaga falcelinayso cudurka COVID19 iyo dadaallada dheeraadka ah ee loo baahan yahay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here