Madaxweynaha dalka oo la kulmay dhigiisa Suudaanta Koonfureed

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa wadanka Suudaanta Koonfureed ,Salva Kiir ayaa maanta kulan laba geesood ah ku wada qaatay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House.
Mr.Kiir ayaa Kenya ku joogo booqasho laba cisho ah waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay madaxtooyada.
Bishii shanaad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Suudaanta Koonfureed uu ka qeyb galay munaasabadii 17-aad ee dalka loogu duceynayay xilligaasi oo uu casuumaad ka helay hoggaamiyaha dalka.
Xoghayaha dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mr. Ababu Namwamba ayaa hoosta ka xarriiqay booqashada Mr. Kiir ay gogol xaar u tahay sii wanaajinta xariirka ka dhexeya labada dal ee mustaqbalka.
Labadan mas’uul ayaa wada hadaladooda diiradda ku saaray sare u qaadidda iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeya labada wadan si uu u jiro kobac dhaqaale.
Waxay sido kale isla soo hadal qaadeen amniga gobolka iyo sida xal loogu heli karo falalka amni darrada ee saameeyay dalalka ay hoggaamiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here