Madaxweynaha dalka oo la kulmay ku xigeenka madaxa bangiga adduunka

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay ku xigeenka madaxa bangiga adduunka Hafez Ghanem.
Mr. Hafez ayaa Kenyatta uga warramay qorshaha World Bank ee ku aaddan Kenya.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka u sheegay in bangiga adduunka uu Kenya siin doono dhaqaale looga gaashaaman karo saameynta dhaqaale hadii uu soo gaaro caabuqa Coronavirus.
Waxaa kulanka sido kale ka qeyb galay wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yattani, xoghayaha wasaaraddaas Dr Julius Muia iyo madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here