Madaxweynaha dalka oo lagu ammaanay dadaalada lagu cirib tirayo gudniinka FGM

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Liberia Jewel Taylor oo booqasho rasmi ah ku joogto wadanka ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ku ammaantay dadaalada ay dowladdiisu waddo ee ka dhanka ah gudniinka gabdhaha.
Waxay sheegtay in Mr. Kenyatta uu hormuud ka noqday olole xooggan oo lagula dagaalamayo nooca gudniinka fircooniga ee gabdhaha lagu sameeyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha uu la kulmay hoggaamiyaasha diimeed iyo oday dhaqameedyada 22 ka mid ah ismaamulada dalka.
Waxay dhammaantood isla meel dhigeen in gudniinka fircooniga ee FGM-ka dalka laga dhammeeyo sannadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here