Madaxweynaha dalka oo lagu wareejiyay warbixin ku saabsan ka hor tagga Coronavirus

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta lagu wareejiyay warbixin hor dhac ah oo ku aaddan sida Kenya ay doonayso inay kaga hor tagto caabuqa Coronavirus ee saameeyay qaar ka mid ah wadamada caalamka.
Waxaa warbixinta soo saaray guddi qaran oo arrintan loo magacaabay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay cudurka uu firuusigan sababo ee COVID19 ku tilmaantay musiibo caalami ah.
Guddiga warbixinta soo bandhigay ayaa madaxweynaha dalka ku wargeliyay in ilaa iyo hadda gudaha Kenya aan lagu arag kiis la xiriira cudur sidaha Corona.
Sido kale madaxweynaha ayaa loo sheegay in saraakiisha caafimaadka iyo kuwa ilaaliyaha meelaha dalka laga soo galo ay heegan sare ku jiraan iyadoo baaritaano lagu sameynayo cid kasta oo wadanka soo galaysa .
Madaxweynaha dalka ayaa sido kale looga warramay sida dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ugu diyaar garoobeen ka hor tagga caabuqa iyadoo la raacayo amar uu soo saaray 28-kii bishii hore ee sannadkan.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale faahfaahin laga siiyay tallaabooyinka la qaaday ee ku aaddan ka hor tagga Corona waxaana ka mid ah in la baarayo dhammaan dadka wadanka soo galaya hadii ay ka soo degayaan garoomada diyaaradaha, maraakiib ama ay baabuur soo raacayaan.
Tallaabada labaad ee ay wasaaradda caafimaadka dalka qaadday ayaa ah in isbitaalka Mbagathi ee magaalada Nairobi laga sameeyay qeyb gaar ah oo hadda diyaar u ah in lagula tacaalo kiisaska Coronavirus hadii gudaha wadanka lagu arko.
Sido kale isbitaallada heerarka 4-aad iyo 5-aad ee ismaamullada guud ahaan wadanka ayaa laga sameeyay goobo u gaar ah wax ka qabashada firuusiga dunida ku sii fidaya.
Waxaa sido kale tallaabooyinka la qaaday ka mid ah in daaweyn dheeraad ah laga sameyn karo isbitaalka jaamacadda Kenyatta, isbitaalka qaran ee Kenyatta , Moi iyo xarumo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay.
Waxaa tababaro iyo wacyigelin loo sameynayaa howlwadeenada caafimaadka , shaqaalaha waaxda gaadiidka iyo saraakiisha ilaaliya garoomada diyaaradaha iyo xuduudda wadanka uu la leeyahay dalalka dariska la ah.
Waxaa si ku meel gaar muddo 30 maalmood ah loo hakiyay shirarka caalamiga ah iyo munaasabado horay loo qorsheeyay in lagu qabto gudaha wadanka.
Shaqaalaha dowladda dhexe ayaa laga mamnuucay inay aadaan safarrada aan aadka muhiim u ahayn.
Howlwadeenada isbitaallada , saraakiisha amniga iyo cid kasta oo qaabilsan ka hor tagga caabuqa ayaa la siiyay qalab ay uga badbaadi karaan in iyagoo la tacaalaya uu ku dhaco.
Waxaa sare loo qaaday tayada baaritaannada ee xarunta dabagalka ku sameysa xanuunadda neefsashada la xiriira iyo machadka sameeya cilmi baarista caafimaad ee KEMRI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here