Madaxweynaha dalka oo maanta booqasho ku tagaya Tanzania

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in maanta oo jicmo ah uu dalka Tanzania ku tago safar qaadanaya laba maalmood.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid shakhsiyeed oo uu Mr. Kenyatta sameynayo kaddib casumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi John Pombe Magufuli.
Labadan mas’uul ayaa ku kulmaya guriga Mr. Magufuli uu ku leeyahay xaafadda Mlimani, magaalada Chato oo ku taalla gobolka waqooyi galbeed ee Geita.
Arrimahan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay madaxtooyada Tanzania looga arrimiyo .
Booqashada Mr. Kenyatta ayaa ku soo aadaysa xilli uu dhawaan muran ka dhashay hadal uu jeediyay xildhibaanka deegaanka starehe ee magaaladatani Nairobi Charles Njagua kaasi oo loo arkay ajnabi naceyb.
Waxaa uu xildhibaanka oo lagu siidaayay damiin lacageed oo ah 500 ,000 uu sheegay in tallaabo laga qaado ajnabiga ka ganacsada suuqyada caasimadda, taasi oo la qoonsaday laguna micneeyay mid wax u dhimi karo dibloomaasiyadda labada dal ka dhexeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here