Madaxweynaha dalka oo maanta furaya shirka xoola dhaqatada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah u furo shir looga hadlayo arrimaha dowlad wadaajinta oo ay ka soo qeyb galayaan mas’uuliyiinta deegaanada ay u badanyihiin xoola dhaqatada , abaarahana ay si gaar ah u saameyaan.
Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa dhibaatooyinka ka jiro deegaanada oomanaha lagu tilmaamo ee loo yaqaano ASALs.
Waa shirkii labaad ee noocan oo kale ah waxaa uuna ka dhacaya ismaamulka Kajiado iyadoo ay halkaasi isugu tagayaan in ka badan 29 ka mid ah barasaabyada ismaamulada dalka.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadaalayso sidii looga gudbi lahaa in ismaamulada ay noqdaan kuwo gargaar ku tiirsan.
Mr.Wamalwa ayaa intaasi ku daray in madaxda kulmaya ay ka arrinsan doonaan sida wax looga qaban karo caqabadaha ay ka midka yihiin isbeddelada ku yimaado cimilada, dhaqaalaha loo qoondeeyay la tacaalidda xaaladaha degdega ah iyo saameynta ka dhalato abaaraha.
Shirka maanta furmaya ayaa socon doono ilaa maalinka khamiista oo uu soo xiri doono ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here