Madaxweynaha dalka oo maanta guddoomin doono shirka golaha wasiirrada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku sugan degmada Manyani ee ismaamulka Taita Taveta halkaas oo uu hadda ka socdo shir ay yeelanayaan golaha wasiirrada.
Mr. Kenyatta oo uu wehelinaya ku xigeenkiisa William Ruto ayaa shirka guddoominaya.
Abaare 11-kii barqanimo ee maanta ayuu madaxweynaha gaaray halkaas waxaana soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i.
Waxaa la filayaa in shirkan looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin amniga wadanka.
Saraakiisha qaabilsan ammaanka ee uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa madaxweynaha faahfaahin ka siin doono xaaladda amni ee dalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo bandhig dhanka tiknolojiyadda oo lagu qabanaya machadka lagu tababaro saraakiisha waaxda duurjoogta ee KWS ee Taita Taveta.
Berri oo Sabti ah ayuu qorshuhu yahay in madaxweynaha uu kulan la yeesho hoggaamiyaasha baarlamaanka iyo aqalka sare .
Ilaa iyo hadda ma cadda qodobbada rasmiga ee looga hadli doono shirka.
Hasa ahaate ilo wareedyada qaar ayaa tilmaamaya in inta badan diiradda la saari doono warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI oo la wada sugaya.
Senatarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata ayaa sheegay in madaxweynaha uu senatarrada uu uga mahadcelin doono waxqabadkooda.
Kang’ata ayaa sheegay in afartii bilood ee ugu dambeysay aqalka sare uu meel mariyay ilaa 10 hindise sharciyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here