Madaxweynaha dalka oo maanta guddoomin doono shirka xildhibaanada Jubilee

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maanta shir guddoomiyo kulan ay yeelanayaan xildhibaannada baarlamaanka ee xubnaha ka ah xisbiga talada haya ee Jubilee.
Kulanka ayaa lagu qabanayaa madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House magaaladatani Nairobi.
Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo un kaddib markii shir kale oo halkaas ka dhacay xilka looga xayuubiyay hoggaamiyihii aqlabiyadda ee aqalka sare Kipchumba Murkomen, guddoomiye ku xigeenkii Senate-ka Prof. Kithure Kindiki iyo senetarka ismaamulka Nakuru sido kalena ahayd mas’uulka siyaasiyiinta Jubilee u qaabilsaneyd dhanka kala dambeynta ee aqalka sare Susan Kihika.
Mr. Kenyatta ayaa dhawaan sheegay inay lagama maarmaan tahay in tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo ka tirsan xisbiga Jubilee hadana aan taageersaneyn dhaqangelinta ajeendayaasha horumarineed ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here