Madaxweynaha dalka oo maanta khudbad ka hor jeedin doono baarlamaanka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maanta si wadajir ah ula hadlo xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa maalmo ka hor sheegay in 12-ka bishan oo maanta ku beegan ay Kenyaanka dhageysan doonaan khudbadda sannadlaha ah ee hoggaamiyaha wadanka.
Mr. Muturi ayaa dhanka kale xusay in madaxweynaha uu khudbeyn doono iyadoo si buuxda loo ilaalinaya amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID-19 gaar ahaan xaqiijinta in aan aad la isugu dhawaan.
Khudbadda Mr. Kenyatta ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee uu baarlamaanka u jeedinaya tan iyo intii gudaha dalka lagu arkay caabuqa coronavirus bishii saddexaad ee sannadkan.
Madaxweyne Uhuru ayaa la filayaa inuu khudbadiisa ku soo hadal qaado arrimaha BBI iyo isbeddellada dastuuriga ee la doonayo in la sameeyo.
Sidoo kale waxaa uu baarlamaanka faahfaahin ka siin doonaa waxyaabaha maamulka talada haya ee Jubilee ilaa iyo hadda uga qabsoomay ballanqaadyadii uu Kenyaanka u sameeyay xilligii ololaha doorashada ee 2017-kii.
Ballanqaadyada waxaa ka mid ahaa sare u qaadidda wax soo saarka beeraha , guriyeynta , caafimaad guud iyo la tacaalidda cunno yarida.
Mr. Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale sharraxaad ka bixiyo qaabka uu maamulkiisa ugu dadaalaya kobcinta dhaqaalaha wadanka ee uu sida weyn u saameeyay cudurka COVID-19.
Khudbaddan ayaa mid dastuuri ah waxaana madaxweynaha laga doonayo inuu baarlamaanka u jeediyo sannadkiiba hal mar ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here