DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo mamnuucay in bacaha balaastiga lagu dhex isticmaalo meelaha loo dalxiis tago

25

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ku sugan wadanka Canada halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir weyne ku saabsan waxqabadka haweenka ayaa ku dhawaaqay amar cusub oo la xariira nadaafadda.
Mr. Kenyatta ayaa soo saaray amar dhaqangalaya 5-ta bisha lixaad ee sannadka 2020-ka kaasi oo ah inaan bacaha balaastiga lagu dhex isticmaali Karin meelaha loo dalxiis tago sida keymaha iyo beeraha qaran ee lagu nasto.

Maanta waxaan sido kale ku dhawaaqaya amar lagu mamnuucayo balaastiga hal mar keliya la isticmaalo oo ay ka mid yihiin caagagga biyaha iyo istoroga ama tuubada cabitaanada lagu cabbo oo aan lagu dhex isticmaali Karin dhamma

an meelaha la ilaaliyo sida beeraha qaran ee lagu nasto, keymaha iyo meelaha lagu dalxiiso laga billaabo 5-ta bisha lixaad ee sannadka xiga.
Amarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay iyadoo shalay caalamka laga xusay maalinka deegaanka adduunka.
Sido kale tallaabadan ayaa ku soo aadaysa laba sano un kaddib markii dowladdu ay mamnuucday in gudaha dalka lagu isticmaalo bacaha balaastiga ee horay loogu adeegan jiray.
Dadka tagaya goobaha loo dalxiis tago ama lagu nasto ayaa laga billaabo 5-ta bisha lixaad ee sannadka soo socdo loo ogolaan doonin inay halkaasi la tagaan bacaha, saxamada balaastiga, koobabka, qaadooyinka, tuubooyinka balaastiga ee cabitaanada lagu cabbo , fargeetooyinka ama caagagga biyaha si looga hor tago wasaqeynta deegaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA uu walaac ka muujiyay in mar kale guriyaha lagu isticmaalo bacihii balaastiga ee la mamnuucay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here