Madaxweynaha dalka oo mar kale ammaanay ciidamada difaaca

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa mar kale ammaan u jeediyay ciidamada difaaca wadanka ee KDF-ta.
Waxaa uu sheegay in arrin loo riyaaqo ay tahay in saraakiisha iyagoo kaashanaya waaxyaha kale ee dowladda ay fulinayaan adeegyo muhiim u ah bulshada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in waxqabadka militariga ay muujinayso inay ka go’an tahay in ay si daacad ah ugu adeegaan qaranka.
Mr. Kenyatta ayaa arrikan ka hadlay xilli uu ku sugnaa xerada militariga ee Lang’ata ee ismaamulka Nairobi.
Madaxweynaha ayaa halkaas ka dhagax dhigay dhismaha daarta Ulinzi Sports Complex oo lagu qaban doono tababarrada iyo cayaaraha kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here