Madaxweynaha dalka oo muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa bulshada muslimiinta ah ee ku nool gudaha dalka u diray fariin hambalyo ah oo la xariirta munaasabadda ay maanta u dabaaldegayaan ee ciidul adxaa.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka sheegay in tani ay qeyb ka tahay kala duwanaanshaha diimeed ee ay bulshada Kenyaanka ah ku faanayaan.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay inuu ku faraxsanyahay sida diinta islaamka iyo dhaqanka muslimiinta ay kaalin weyn uga qaadanayaan wadajirka umadda iyo daryeelka bulshada.
Madaxweynaha ayaa muslimiinta ugu baaqay inay caawiyaan dadka danyarta ah sido kalena ay sii xoojiyaan midnimada ka dhexeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here