Madaxweynaha dalka oo qaaradda Afrika ugu baaqay inay maalgaliso arrimaha dhalinyarada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha wadamada qaaradda Afrika kula taliyay inay diiradda saaraan maalgelinta barnaamijyada lagu taageerayo dhalinyarada.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uu sii wadayo ayna ka go’an tahay garab istaagga da’yarta.
Waxaa uu intaasi ku daray in sannad kasta la qabanayo shir ku saabsan shaqa abuurka iyadoo si toos ah wada tashi loola sameynayo dhalinyarada kenyaanka ah.
Baaqan ayuu soo saaray xilli uu xariga ka jaray barnaamij lagu qarash gelinayo in ka badan 100 bilyan oo shilin oo ay iska kaashanayaan hay’adda MasterCard Foundation iyo dowladda Kenya.
Barnaamijkan ayaa la qorsheeyay inuu abuuro fursado ganacsi oo ah ugu yaraan 200,000.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo in badan oo ka mid ah dhalinyarada dalka ay ka cabanayaan shaqa la’aan haysato in kastoo ay wax barteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here