Madaxweynaha dalka oo rajo wanaagsan ka muujiyay in xal loo heli doono cudurka Covid-19

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu rajeynayo in mar dhow laga gudbo caqabadda wadanka iyo guud ahaan caalamka ka taagan ee cudurka Covid-19.
Waxaa uu xusay inay shalay ay ku beegneyd maalinkii 44-aad tan iyo markii gudaha wadanka lagu arkay kiis la xiriira cudurka.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda iyo shacabkuba ay muujiyaan dabar adeeg iyo geesinimo si looga guulaysto waxaa uu ku tilmaamay cadow aan la arag.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in maamulka talada haya ee Jubilee uu raacay talooyinka khuburrada caafimaadka taasoo horseedday in la xakameeyo faafitaanka coronavirus marka loo barbardhigo qaar ka mid ah wadamada caalamka oo ay saameynta ugu badan soo gaartay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa horay u sheegtay in laga cabsi qabo in dhammaadka bishan uu cudurka saameeyo ilaa 10,000 oo qof balse ilaa iyo waxaa gudaha wadanka laga xaqiijiyay kiisas dhan 343.
Waxaa cudurka u dhintay 14 halka dadka kaga bogsaday gudaha dalka ay tiradoodu tahay 98.
Tan iyo markii coronavirus laga xaqiijiyay dalka waxaa baaritaano lagu sameeyay 17492 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here