Madaxweynaha dalka oo saxiixay isbeddel lagu sameeyay sharciga doorashooyinka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta qalinka ku duugay hindise shaciyeed ku saabsan isbeddel lagu sameeyay sharciga doorashooyinka ee IEBC(Amendment) Bill No. 3 of 2019.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale saxiixay hindisa la xiriira xayaysiimaha ismaamullada.
Sharciga uu Mr. Kenyatta qalinka ku duugay ayaa dhigaya in la soo saaro guddi ka shaqeynaya sidii lagu buuxun lahaa xilalka ka bannaanka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.
Waxaa uu sidoo kale qeexayaa qaabka la doonayo in lagu soo xusho saraakiisha sar sare ee IEBC.
Sharciga kale ayaa caddeynaya in ismaamullada marka ay xayaysiimaha sameynayaan ay isku dheeli tiraan tixgelinta arrimaha ganacsiga , deegaanka iyo badqabka bulshada.
Munaasabadda uu madaxweynaha dalka ku saxiixay hindise sharciyeedyadan oo ka dhacday madaxtooyada State House waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi iyo dhigiisa aqalka sare Ken Lusaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here