Madaxweynaha dalka oo saxiixay miisaniyadda dheeraadka ee wasaaradda maaliyadda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay miisaaniyad dheeraad ah oo ay codsatay wasaaradda maaliyadda ee wadanka.
Sharcigan ayaa loo yaqaanaa Supplementary Appropriation Bill (No. 2) wuxuuna horseedaya in sanduuqa dowladda laga soo saaro dhaqaale gaaraya 73.4 bilyan oo shilinka dalka ah.
Lacagtan ayaa ilaa dhammaadka bisha lixaad ee sannadka soo socdo lagu maalgelinayaa mashaariicda horumarineed ee dowladda iyo adeegyada ay dadweynaha u fidiso.
Shalay ayay ahayd markii golaha baarlamaanka uu hindise sharciyeedkan ansaxiyay.
Waxaa madaxweynaha dalka u geeyay guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi iyadoo markii uu hoggaamiyaha dalka saxiixayay ay goobjoog ka ahaayeen hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha sharci dejinta Aadan Barre Ducaale, sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda ,Ukur Yatani, xeer ilaaliyaha guud ee dalka ,Paul Kihara, karaaniga baarlamaanka ,Michael Sialai iyo ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka ee State House, Njee Muturi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here