Madaxweynaha dalka oo saxiixay sharci ku saabsan maaliyadda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay qalinka ku duugay sharci dhigaya in wasaaradda maaliyadda laga doonayo inay soo saarto lacago dheeraad ah oo qarashaadka howlaha dowladda lagu maareynayo miisaaniyad sannadeedka gabagabada ah.
Wasaaradda ayaa bixinaysa 161 bilyan oo shilin oo lagu wareejinayo waaxyaha kala duwan ee dowladda.
Sido kale sharcigan ayaa wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Henry Rotich u oggolaanayo inuu 8 bilyan oo shilin u qoondeeyo bixinta deymaha dowladda lagu leeyahay.
Dhanka kale maamulka talada haya ee Jubilee ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo qarashaadka ku baxa howlaha dowladda oo ay ka mid tahay in dhaqaalaha la adeegsado laga dhimay 58 bilyan.
Hindise sharciyeedkan uu hoggaamiyaha dalka saxiixay ayaa waxaa u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi oo ay wehelinayeen hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Townshi Aadan Barre Ducaale iyo karaaniga xarunta sharci dejinta ,Michael Sialai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here