Madaxweynaha dalka oo saxiixay sharci ku saabsan qeybsashada dakhliga qaran

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay hindise sharciyeed loo gudbiyay kaasi oo ku aaddan qaabka dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dhaqaalaha wadanka soo galo.
Hindisahan ayaa loo yaqanaa Division of Revenue Bill 2019 waxayna tallaabada hoggaamiyaha dalka uu qaaday meesha ka saareysaa muran arrinkan ka dhashay.
Baarlamaanka dalka iyo aqalka sare ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay isku maandhaafsanaa miisaaniyadda la siinayo dowlad deegaanada in kastoo taasi ugu dambeyn laga heshiiyay.
Sharcigan ayaa dowlad deegaanada u qoondeynaya lacag dhan 378.1 bilyan oo shilin inta lagu guda jiro miisaaniyad sanadeedka 2019/2020-ka.
316.5 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah waa inta kaga soo aadaysa dakhliga qaran halka in la siiyo 61.6 bilyan oo shilin shuruudo lagu xirayo.
Madaxweynaha ayaa ismaamulada kula taliyay inay mudnaanta kobaad siiyaan bixinta deymaha lagu leeyahay.
Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa dhankeeda sheegtay in bilihii toddobaad iyo sideedaad ee sannadkan, ay ismaamulada wadanka ku wareejisay dhaqaale kor u dhaafaya 50 bilyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xilli uu sharcigan cusub saxiixayay sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’antahay in dowlad deegaanada lagu wareejiyo lacagaha ay u baahanyihiin xilliga habboon oo aynan ka soo dib dhicin.
Barasaabyada ismaamulada ayaa inta badan cabasho ka muujiyo inaynan xilliga loogu talagalay helin lacagaha lagu fulinayo mashariicda horumarineed.
Mr. Kenyatta ayaa guddoomiyaasha kula dardaarmay inay soo dhameystiraan geedisocodka la xariira miisaaniyadda ay isticmalaan.
Waxaa uu sido kale xusay in la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bixiyo deymaha maamulka qeybiya daawooyinka ee (KEMSA) uu ku yeeshay ismaamulada qaar maadaama taasi oo aan laga dhabeynin ay saameyn ku yeelan karto bixinta adeegyada caafimaad.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale madaxda dowlad deegaanada ku booriyay inay la yimadaan qaab ka wanaagsan midka ay hadda adeegsadaan oo ay ku aruurin karaan canshuuraha sido kalena lagu maareyn karo dakhliga soo galo.
Markii uu madaxweynaha saxiixayay sharciga qeexaya sida dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dhaqaalaha qaran waxaa goobjoog ka ahaa sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda Ukur Yattani, dhigiisa dowlad wadaajinta ,Eugene Wamalwa, guddoomiyaha baarlamaanka ,Justin Muturi, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aaden Barre Ducaale, xeer ilaaliyaha guud ee dalka ,Paul Kihara Kariuki , xoghayaha wasaaradda maaliyadda Dr. Julius Muia iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here