Madaxweynaha dalka oo saxiixay sharciga canshuurta

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay sharci la xiriira canshuuraha oo la doonayo in Kenyaanka looga fududeeyo culeyska cudurka Covid-19
Waxay tani micnaheedu tahay in shaqaalaha mushaar ahaan u qaata 24,000 iyo wax ka yar aan boqolkiiba boqol canshuur laga qaadi doonin.
Dadka uu mushaarkooda intan ka badan yahay ayaa laga dhimaya boqolkiiba 5 ee canshuurta.
Waxaa hindise sharciyeedkan madaxweynaha u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Adan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here