Madaxweynaha dalka oo saxiixay sharciga ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga dhigaya qaabka ismaamullada wadanka ay u qaybsanayaan dakhliga.
Sharcigan ayaa loo yaqaanaa the 2020/2021 County Revenue Allocation Bill waxaana horay u ansaxiyay aqalka sare.
Dhaqaale gaaraya 369.87 bilyan oo shilin ayaa miisaaniyad sannadeedkan lagu wareejinayaa dowlad deegaanada.
Waxay lacagtan isugu jirtaa 316.5 bilyan oo ay si siman u qaybsanayaan iyo 13.73 bilyan oo ay dowladda bixinteedu shuruudo ku xirayso.
Hindise sharciyeedka uu madaxweyne Uhuru Kenyatta maanta saxiixay waxaa u gudbiyay guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka waxaana goob joog ka ahaa dhigiisa baarlamaanka Justin Muturi , wasiirka maaliyadda Ukur Yattani iyo mas’uuliyiin kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here