Madaxweynaha dalka oo shacabka midnimo ugu baaqay

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka Kenyaanka ah u rajeeyay in sannadka cusub ee maanta billowday uu si nabad ah ugu dhammaado.
Waxaa uu ugu baaqay inay isku dulqaataan oo ayna xoojiyaan midnimada ka dhaxaysa.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay inay gudbiyaan fariimo nabadeed oo wadajir ku saleysan.
Sido kale madaxda la soo doortay iyo kuwa golayaasha kala duwan sida magacaabidda ah ku galay ayuu hoggaamiyaha dalka ka codsaday in xuriyatul qowlka ay haystaan ay uga faaiidaystaan la dagaalanka musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo caddaalad darrada oo uu ku tilmaamay inay khatar ku yihiin horumarka wadanka.
Mr. Kenyatta oo farriintan diray isagoo ku sugan magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaadka sannadka iyo mid kale oo billowdo ay kenyaanka fursad u siinayso inay dib u eegaan waxyaabihii u qabsoomay sido kalena ay qorsho hor leh dejiyaan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu sii wadi doono horumarka laga gaaray dhanka waxbarashada , caafimaadka , wax ka qabashada cuno yarida , nafaqada , difaaca iyo amniga , warshadaha , tamarta , kaabayaasha waddooyinka iyo arrimo kale oo badan.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dowladda dhexe ay la tacaashay caqabado ay ka mid yihiin shaqa la’aanta, saboolnimada , sinnaan la’aanta iyo adeegyada caafimaadka oo hooseeyay.
Waxaa uu ugu dambeyn madaxweynaha dalka u mahadceliyay shaqaalaha dowladda sida saraakiisha ammaanka, dhakhaatiirta iyo macallimiinta oo uu kula taliyay inay dadaalkooda sii laba laabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here