Madaxweynaha dalka oo shaqaalaha dowladda ugu baaqay inay xoogga saaraan u adeegidda shacabka

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa saraakiisha dowladda ku boorriyay in ay diiradda saaraan sidii ay shacabka ugu adeegi lahayeen oo aysan abuurin caqabado hakad gelinaya bixinta adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in mas’uuliyadda dowladda ay tahay in ay dhageysato dadkeeda kaddibna xalliso tabashooyinkooda.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in waajibaadka dowladda ay ka mid tahay in ay shacabka u fududeyso arrimaha ganacsiga iyo howlaha kale ee ay ka raadsanayaan qutul maalmeedka qoysaskooda.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu magaalada Nairobi ku daahfuray qayb ka mid ah xarunta waaxda tareenada oo dib u habeyn lagu sameeyay.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale waaxda qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS ku amray in ay dhammaan badeecooyinka la soo geliyo gudaha wadanka qiimo lacageed oo isku mid ah ka qaaddo iyadoo aan la eegayn miisaanka alaabta.
Sidoo kale madaxda la soo doortay iyo kuwa xilalka kala duwan haya ayuu ugu baaqay in aysan siyaasad ku mashquulin balse ay sida habboon ugu adeegaan dadweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here