Madaxweynaha dalka oo sheegay in ciidamada KDF ay sii joogayaan Soomaaliya

Madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada difaaca KDF-ta ee ka tirsan AMISOM ay ku sii sugnaanayaan gudaha dalka Soomaaliya ilaa iyo inta xasilooni buuxda looga soo dabaalayo.
Hadalkan ayuu ka jeediyay ismaamulka Nakuru xilli uu ka qeyb galay xaflad qalin jabin ah.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in Kenya aynan ciidamadeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya inta ay jirto halis dhanka argagixisada ah.
Wuxuu intaasi ku daray in saraakiisha difaaca ee dalka ay ka go’an tahay oo ay horseed u yihiin sidii wadanka dariska ah uu nabad u noqon lahaa.
Uhuru ayaa xusay inay arrin lagu faano tahay sida saraakiisha ay kaalin muuqata uga qaadanayaan howlaha nabadsugidda ee AMISOM.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale shacabka ku booriyay inay laamaha ammaanka garab ku siiyaan la dagaalanka argagixisada.
Mr .Kenyatta waxaa uu sido kale hoosta ka xarriiqay in si joogta ah dib u eegis iyo sare u qaadid loogu sameynayo manhajka tababarka ee saraakiisha gaashaandhigga.
Ciidamada KDF ayaa gudaha u galay Soomaaliya sannadkii 2011-kii kaddib weeraro ay kooxda Al-Shabaab gaysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here