Madaxweynaha dalka oo sheegay in dalalka Africa ay xor u yihiin inay iskaashi la samaystaan wadamada shisheeya

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in dalka Kenya iyo dalalka kale Africanka ah ay u xor u yihiin inay iskaashi la samaystaan wadamada Maraykanka iyo Shiinaha isagoona uga diga quwadaha caalamka ee Shisheeya inay kala qeybiyaan Africa.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa hadalkan ka jeediyay isaga oo ku sugan dalka Maraykanka waxaa uuna halkaasi uga qeyb galay shir.
Safarka madaxweynaha uu maraykanka ku tagay waxaa ku wehelinayay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Raila Odinga.
Mr Kenyaatta oo soo hadal qaaday arrimaha BBI-da ayaa sheegay in looga goleeyahay in lagu dhiso bulsho midaysan.
Waxaa uuna sheegay in hadii ay kenyaanka midaysan yihiin uu dalka yeelan doono kobac dhaqaale.
Waxaa uu dalalka kale caalamka ugu baaqay inay iskaashi dhan walba ah la samaystaan kenya iyo qaarada Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here