Madaxweynaha dalka oo sheegay in dalxiis loo imaan karo Kenya

Madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in cudurka COVID19 uu saameyn ballaaran ku yeeshay arrimaha dalxiiska ee dalka balse hadda taasi laga soo kabanaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku haminaysay inay mar un Kenya ku timaado dalxiis ay hadda fursad haysato.
Xilli uu ka qeyb galay kulan muuqaal ah ayuu Mr. Kenyatta rajo wanaagsan ka muujiyay in xaaladda aynan sii ahaan doonin sida ay hadda tahay.
Waxaa kulanka kala qeyb galay wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Mr. Najib Balala , barasaabka ismaamulka Narok Samuel Ole Tunai iyo Eliud Kipchoge oo ka mid ah orodyahaanada dalka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in go’aankii ahaa inaan wadanka la gelin xayiraad buuxda oo dhanka isku socodka ah uu ku saleeyay inuu dib u soo kabto dhaqaalaha wadanka.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska Mr. Najib Balala ayaa dhankiisa sheegay inay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinaya badqabka dalxiisayaasha.
Eliud Kipchoge ayaa kenyaanka ku booriyay inay ka qeyb qaataan horumarinta dalxiiska dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here