Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya ay qeyb ka tahay la dagaalanka isticmaalka intarneetka ee argagixisada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo magaalada New York ee Maraykanka kaga qeyb galaya kal fadhigga 74-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay in Kenya ay ka go’antahay la dagaalanka falalka argagixiso gaar ahaan kuwa loo adeegsado intarneetka. .
Ololaha ku aaddan ka hor tagga falalka argagixiso ee intarneetka lagu fuliyo ayaa bilowday kaddib weeraro horay loogu qaaday magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.
Weerararadaasi oo lala eegtay laba masaajid ayaa lagu dilay ugu yaraan 50 qof.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale xusay in dowladdiisa ay diyaar u tahay kana shaqeynayso la tacaalidda isbeddelka ku yimaado cimilada dadaalkaasi oo ay hor kacayaan dowladda Brazil iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan guriyaha ee UNHABITAT.
Hoggaamiyaha dalka ayaa madaxda caalamka ee halkaasi isugu tagay ugu baaqay inay la yimadaan xeerar lagu xaqiijinayo sidii wadamada ay uga faaiidaysan lahayeen kheyraadka biyaha si uu u jiro kobac dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here