Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya iyo Jamaica ay sii wadayaan xariirka ka dhexeya

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sare u sii qaadi doonto xariirka iyo iskaashiga kala dhexeya Jamaica.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani looga gol leeyahay in lagu sii xoojiyo danaha ka dhexeya labada dal iyo shacabkooda.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay in tirada qurbajoogta Kenyaanka ee Jamaica ay sii kordhayso sidaasi awgeedna la doonayo in dadaal iyo waqti dheeraad ah lagu bixiyo ka shaqeynta danahooda.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in safiirka Kenya ku matalo Jamaica Ambasadoor Anthony Muchiri uu xoogga saari doono sidii Kenyaan badan oo halkaasi ku nool ay fursado shaqo u heli lahayeen.
Hoggaamiyaha dalka waxaa safarkiisa ku wehelinaya wasiiradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma , dhigeeda cayaaraha Amina Maxamad iyo wasiirka dalxiiska Mr.Najib Balala .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here