Madaxweynaha dalka oo sheegay in la ciribtiraayo gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii dalka looga ciribtiri lahaa gudniinka loo yaqaano FGM-ka.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha in dhaqanka gabdhaha sida qaldan loo gudaayo la mamnuucay balse qeybo ka mid ah dalka uu ka socdo.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa hadalkan ka jeediyay aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo xili uu codsi ka heley odey dhaqameedyada iyo ururada kale ee diimaha.
Mr Kenyaatta ayaa ugu baaqay odey dhaqameedyadda inay beelaha ay ka soo jeedaan ka waaniyaan inuusan fiicneen gudniinka fircooniga
Daraasad dhowaan ay sameysay Hay’ada Qaramada Midoobay ee Tirada Dadka (UNFPA) ayaa muujineysa in qiyaastii 9.3 milyan oo Gabdho iyo Haween ah lagu sameeyo qaliin gudniin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here