Madaxweynaha dalka oo sheegay in laga hortagi doono cudurka kansarka

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shalay balan qaaday in dowladda ay qaadi doonto talaaba ka dhan ah ka hortaga cudurka kansarka.
Hadalkan ayuu madaxweyne Kenyaatta jeediyay xili uu shalay aqalka madaxtooyada shir u gadoominayay golaha wasiiradda ee dalka.
Mr Kenyatta ayaa ka dhawaajiyay in xukumadda ay xakameyn doonto cudurka kansarka oo sare u sii kacayo.
Madaxweynaha dalka ayaa sido kale sheegay in dowladda ay la kaashan doonta maamul goboleedyadda si loo yareeyo kansarka dalka dhibaatada ku haya.
Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in cudurka kansarka uu galaafto nolosha Kenyaan badan sanad walba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here