Madaxweynaha dalka oo sheegay in wadanka uu xasiloon yahay

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in xasilooni buuxda ay ka jirto gudaha wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhacdooyinka kooban ee mararka qaar soo baxo ay yihiin kuwo salka ku haya arrimo siyaasadeed.
Xilli uu shalay baarlamaanka u jeediyay khudbadda qaran ee sannadlaha ah ayuu Mr. Kenyatta xusay inuu aad ugu mahadcelinayo saraakiisha waaxyaha kala duwan ee amniga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kenya ay kaalin weyn ka qaadanayso howlaha dib u heshiisiinta ee wadamada ay dagaalladu ka jiraan.
Wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta dalalkan ay u baahan yihiin heshiiskii isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga dhex maray sannadkii 2018-kii.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay dalka xasilooni u horseedi doonto.
Uhuru Kenyatta, madaxweynaha dalka ayaa sheegay in lagu guulaystay ka hor tagga weerarradii argagixisada isagoo dhanka kale siyaasiyiinta ugu baaqay inaysan siyaasadeyn qodobbada warbixinta BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here