Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu doonayo in guddoomiye ku xigeenka Kilifi 10 sano la xiro

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo saaka marti ku ahaa idaacadda Inooro ayaa shaaca ka qaaday inuu bixiyay amarkii lagu soo xiray ku xigeenka barasaabka ismaamulka Kilifi Mr.Gideon Saburi .
Mr. Saburi oo shalay maxkamadda ka soo taagay ayaa lagu eedeyay inuu iska dhaga tiray baaq loo jeediyay oo ahaa inuu iskarantiilo.
Waxaa uu ka mid noqday shakhsiyaadka uu haleelay cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus in kastoo Dowladda ay maalmo ka hor sheegtay inuu ka bogsaday.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa guddoomiye ku xigeenka Kilifi ku eedeyay inuu muujiyay taxaddar la’aan kaddib safar uu ku tagay dalka Jarmalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaa ku daray inuu rajeynaya in Mr. Saburi lagu xukumo 10 sano oo xabsi ah.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in xilka uu siyaasigan haya uunan kaga badbaadi doonin in lagula xisaabtamo dembiga uu galay.
Kilifi ayaa ka mid ah afarta ismaamul ee Dowladda ay mamnuucday in loo safro ama laga soo safro.
Dowlad deegaannada kale ayaa ah Nairobi, Mombasa iyo Kwale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here