Madaxweynaha dalka oo sheegay inuunan muddo kororsi sameyn doonin

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan wax muddo kororsi ah sameyn doonin oo uu xafiiska banneynaya marka ay dhammaato muddo xileedkiisa.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inuu tixgelinayo shuruucda dastuuriga ah sidaas awgeedna mudada uu hoggaanka haynaya ay ku egtahay 2022-ka.
Madaxweyne Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenya aan lagu yaqaan hoggaamiye talada hayay ka badan intii loogu talagalay sidaas awgeedna uunan marna niyadda ku hayn arrinkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here