Madaxweynaha dalka oo shir kaga qeyb galaya Japan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirweynaha toddobaad ee caalamiga ah ee ku saabsan horumarka.
Shirkan oo loo yaqaano (TICAD 7) ayaa ka dhacaya magaalada Yokohama ee wadanka Japan waxaana diiradda lagu saaraya horumarka qaaradda Afrika.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Kenya ay ku dadaalayso inay sii xoojiso iskaashiga kala dhexeya Japan.
Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulankaasi kaga faaiidaysanaya in dowladda Japan uu kala soo hadlo tageerada ay dalka u fidin karto ee dhanka qorshayaasha ugu waweyn ee maamulka Jubilee.
Qorshayaashan ayaa kala ah helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran, wax soo saarka , guriyeynta iyo la tacaalidda cuno yarida.
Hoggaamiyaha dalka ayaa galinkii dambe ee shalay wadanka ka ambabaxay waxaa uuna ka qeyb galaya shirka berri furmaya oo la qorsheeyay inuu socdo saddex maalmood.
Halku-dhigga shirka TICAD ee sannadkan ayaa ah in la dardargeliyo horumarka wadamada qaaradda Afrika iyadoo loo marayo wanaajinta nolosha dadweynaha , adeegsiga teknoolojiyadda iyo wax soo saarka.
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii Kenya ay marti gelisay shirweynihii 6-aad ee caalamiga ahaa kaasi oo looga arrinsanayay horumarinta Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here