Madaxweynaha dalka oo si rasmi ah u furay shirka hay’adda guriyeynta ee qaramada midoobay

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan guriyeynta ee UN Habitat oo lagu qabanayo magaaladatani Nairobi.
Hal ku dhigga shirkan ayaa ah wax soo saar lagu wanaajiyo noolosha dadweynaha .
Qodobada miiska saaran waxay kala yihiin doorashada madaxa golaha , tixgelinta xeerarka iyo soo xulashada saraakiisha kale.
Agaasimaha guud ee hay’addan Maimunah Sharif oo halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa sheegtay in la saadalinayo in sannadka 2050 boqolkiiba 70 ee shacabka dunida ay ku nooladaan magaalooyinka waweyn.
Waxay carrabka ku dhufatay inay tani micnaheedu yahay inay sare u sii kici karaan dhacdooyinka la xariira nadaafad darrada , wasaqeynta deegaanka iyo shaqo la’aanta.
Agaasimaha guud ee UN Habitat ayaa sido kale madaxda shirka ka qeyb galaya ugu baaqday inay iska kaashadaan sidii magaalooyinka waweyn loogu sameyn lahaa nidaam iyo maamul adag oo wax ka qaban karo caqabadaha ay suurtagalka tahay inay soo foodsaaraan dadweynaha ku nool.
Shirkan oo soconayo muddo hal isbuuc ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 3,000 oo qof
Ka soo qeyb galayaasha waxaa ka mid ah afar madaxweyne, 40 wasiiro ah iyo wakiilo sar sare oo matalaya 116 wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here