Madaxweynaha dalka oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka France

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatata ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wadanka Fransiiska ka dib markii uu halkaas booqasho uu ku gaaray.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta waxaa magaalada Paris ku soo dhaweeyay dhigiisa France Emmanuel Macron.
Mr Kenyaytta ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay qasriga Elysee halkaas oo uu ku sugnaa madaxweyne Macron.
Labada madaxweyne ayaa goobjoog ka ahaa heshiis laba geesood ah oo ay kala saxiixanayeen dowladaha Kenya iyo France.
Heshiisyada ay kala saxiixdeen labadan dal ayaa waxaa ay kala yihiin iskaashiga wadooyiinka Nairobi,Nakuru ilaa iyo Mau .
Sido kalena waxaa ay ku heshiiyeen Kenya iyo France iskaashi hormarineed oo ka dhan ah xarunta dhexe ee ganacsiga Nairobi .
Heshiiska ka dib Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa France waxaa ay yeesheen kulan u gaar ah oo ay albaabadu u xirnaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here