Madaxweynaha dalka oo sii kordhiyay bandowga Corona Virus

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta ayaa galabta Kenyaanka u jeediyay khudbadiisa 11-aad eek u aadan cudurka Corona Virus.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa maanta khudbadiisa diirada ku saaray waxyaabo badan oo ku saabsan xanuunkan sii faaya isagoona sii xoojiyay talaabooyiinka lagu xakameynayo fyruskan.
Talaabooyiinka uu sii xoojiyay madaxweyne Uhuru Kenyaatta waxaa ka mid ah in Bararka ee ah goobaha lagu caweeyo ay sii xirnaanayaan muddo 30 maalmood ah
Maqaayadaha ama huteelada wax laga cuno ayaa ugu dambeyn la xiri doona 8 fiidnimo ama 2 saac ee habeenkii laga bilaabo 27-ka bishan Aug taas oo bari ku began.
Sido kale madaxweynaha dalka ayaa waxaa uu ku daray bandowgii saarnaa wadanka muddo bil ah taas oo looga goleeyahay in la xakameeyo cabuuqan faafa.
Bandowga ayaa dalka sida caadada ah uga bilaaban doona 9 fiidnimo ila 4-ta arroornimo.
Mr Kenyaatta ayaa sido kale sheegay in aaska,aroosyada horay loogu ogaala inay ka qeyb galaan 15 qof kaliya hadda loo ogol yahay 100 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here