Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay guusha u soo hooyatay Kenya

War saxaafeed ka soo baxay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House magaaladatani Nairobi ayaa lagu sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu aad u soo dhaweeyay in Kenya ay ku guulaysatay tartankii ay ugu jirtay ka mid ahaanshaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan ku tilmaamay mid muujinaya magaca iyo saameynta ay Kenya ku leedahay caalamka .
Waxaa uu xusay inay ka turjumeysa in dowladda Kenya ay tahay saaxib la isku haleyn karo dhanka horumarka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale u mahadceliyay dowladda Jabuuti oo uu sheegay inay si habsami leh tartanka u gashay.
Sido kale midowga Afrika ayuu uga mahadceliyay taageerada uu Kenya u muujiyay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in kaalinta qaaradda Afrika ay ka dhex muuqan doonto golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ayna diirradda saari doonaan arrimaha ammaanka, iskaashiga iyo ajeendayaasha horumarineed ee qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here