Madaxweynaha dalka oo taageero u ballanqaaday Mariga

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa musharaxa xisbiga Jubilee ee xildhibaananimada deegaanka Kibra , magaaladatani Nairobi Macdonald Mariga u ballanqaaday inuu si buuxda u taageeri doono.
Isniintii ayay ahayd markii Mariga loo oggolaaday inuu u tartamo xilka mudanaha deegaankaasi oo bannaanaaday kaddib markii uu geeriyooday Ken Okoth oo baarlamaanka ku matalayay.
Waxaa qabashada jagadaasi tartan ugu jiro musharaxiin ka kala tirsan xisbiyada Jubilee, ODM iyo ANC.
Madaxweynaha dalka sido kalena ah madaxa Jubilee iyo ku xigeenkiisa Dr William Ruto ayaa Mariga u sheegay inay garab taagan yihiin xilli ay ku qaabileen madaxtooyada State House.
Doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra ayaa la qorsheeyay inay dhacdo 7-da bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here