Madaxweynaha dalka oo tacsi u diray qoyska wasiirrada biyaha

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qoyaska , ehellada iyo asxaabta wasiiradda wasaaradda biyaha iyo waraabka , Sicily Kariuki kaga tacsiyeeyay geeridii ku timid Wendy Muthoni.
Muthoni oo ahayd gabadha wasiirradda ayaa shalay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi kaddib laba toddobaad oo ay ku jirtay xarunta caafimaad.
Mr. Kenyatta ayaa wasiiradda iyo qoyskeeda u sheegay inuu murugada la qeybsanaya oo uuna taageerayo.
Qoyska ay ka baxday ayaa warbaahinta u sheegay in Wendy Muthoni ay shalay subax geeriyootay in kastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Gabadha dhimatay oo da’deedu ahayd 20 sano ayaa dhiganaysay jaamacadda (JKUAT).
Waxaa sido kale qoyska Sicily Kariuki u tacsiyeeyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ,Raila Odinga iyo dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here