Madaxweynaha dalka oo tacsi u diray shacabka Reer Tanzania

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru kenyatata ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee wadanka Tansaaniya Benjamin Mkapa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhambaal tacsi ah u diray madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ,shacabka reer Tanzania iyo dhamaan qoyskii uu ka baxay hogaamiyihii hore ee Tansaaniya .
Mr kenyaatta ayaa ku tilmaamay Benjamin Mkapa inuu ahaa hogaamiye si adag uga shaqeeyay si dhexgalka bulshada ,nabada iyo hormarka Gobolka.
Hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa u rajeeyay shacabka reer Tansaaniya inuu Alla qalbiga u qaboojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here