Madaxweynaha dalka oo tacsiyadeeyay geerida ciidamo lagu dilay Garissa

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu ka tacsiyadeynayo dhimashada 11 sarkaal oo ay shalay miino kula qaraxday waddo ka tirsan deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa.
Saraakiisha oo ka mid ahaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano GSU-da ayaa ku dhintay weerar laga gaystay wadada isku xirta xaarxaarka iyo dhamajaaleey ee Garissa kaddib markii baabuur ay saarnayeen ay la qaraxday miinada dhulka lagu aaso.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Mrs. Kanze Dena Mararo ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in mr. Kenyatta ayuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska iyo ehelada askartaasi isagoo u xaqiijiyay in dowladdiisa ay taageero u fidin doonto xilligan ay murugada soo foodsaartay.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale digniin adag u diray cid walba oo ku howlan inay dhibaateyso dalka iyo dadweynaha isagoo wacad ku maray inaan marnaba lagu guulaysan doonin cabsi gelinta kenyaanka.
Waxaa sido kale tacsidan mid la mid ah diray falka dhacayna cambaareeyay wasaaradda arrimaha gudaha , barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane , xildhibaanka deegaanka Dadaab Dr. Maxamad Daahiye Ducaale iyo maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA.
‏ Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dhankeeda sheegtay in falkaasi lagu dilay saraakiisha uunan hoos u dhac ku keeni doonin la dagaalanka argagixisada.
Abaanduulaha guud ee booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ciidamada la weeraray ay roondooyin sameynayeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhanka kale gaarigii ay la socdeen uu soo gaaray burbur xooggan.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in baaritaano dhacdadaasi ku aaddan la guda galay iyadoo saraakiil dheeraad ah halkaasi la geeyay si ay dadkii falkaasi ka dambeeyay ay u raadiyaan amnigana loo sugo.
Mr. Mutyambai ayaa xusay in weerarkaasi uu dhacay abaare 5:30 ee galabnimo ee shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here