Madaxweynaha dalka oo tacsiyadeeyay geerida wiil uu dhalay xildhibaan hore

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu tacsi u diray qoyska iyo ehelada Mr Henry Masaku Ngei kaas oo habeen hore u dhintay cudurka kansarka .
Mr Ngei oo ay da’adiisu ahayd 74 sano jir ayaa ahaa curadka xildhibaankii hore ee deegaanka Kagundo Paul Joseph Ngei.
Madaxweynaha ayaa wax laga naxo ku tilmaamay geerida mas’uulkan oo uu ku tilmaamay ganacsade si hagar la’aan ah kaalin weyn ka qaatay horumarka dalka islamarkaana ahaa la taliye caqli badan oo xikmadiisa waayi doonaan dad badan.
Ilaa dhimashadiisa, Mr Henry Masaku Ngei ayaa ahaa nin xoola dhaqato ah oo ku noola deegaanka Kagundo ee ismaamulka Machakos
Waxaa uu madaxweynaha xusay in mr Ngei ay howshiisa u horseeday boqolaal dhalinyaro in shaqo abuur u noqoto.
Waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in si weyn Kenyaanka u xasuusan doonaan madaama uu nin dalka wax badan ka soo qabtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here