Madaxweynaha dalka oo tilmaamay in xayiraadda COVID19 la soo celin karo

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in arrin walaac laga muujiyo ay tahay kiisaska caabuqa corona ee maalmihii ugu dambeeyay ku kordhay gudaha wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in iyadoo xaalad adag lagu jiro in qof kasta laga doonayo inuu mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaro ka hor tagga faafidda cudurka COVID19 oo uu si buuxda ugu hoggaansamo dhammaan tallaabooyinka wasaaradda caafimaadka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay wajahayso hirka labaad ee caabuqa sidaas awgeedna sare u kaca kiisaska coronavirus ay dowladda ku khasbayso inay dib u eegis sameyso.
Hadalka madaxweyne Uhuru ayaa u muuqdo mid tilmaamaya suurtagalnimada la xiriirta in la soo saari karo tallaabooyin cusub oo lagula tacaalaya cudurka.
Madaxweynaha oo arrinkan ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa kaniisadda Anglican Church ee Nairobi ayaa dareenkiisa sidan u muujiyay.
Cod
4-ta bishan ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo kulan degdeg ah oo uu madaxweynaha dalka isugu yeeray si looga arrinsado tallaabada xigta ee ku aaddan wax ka qabashada cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here