Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay hoggaamiyaha cusub ee Maraykanka

Madaxweynaha dalka Mr .Uhuru Kenyatta ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u diray madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Joe Biden kadib guushii uu ka gaaray doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.
“Aniga oo ku hadlaya magaca dadweynaha iyo dowladda Jamhuuriyadda Kenya, waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo Ku-xigeenkiisa Kamala Harris guushii weyneyd ee ay gaareen, waxaan u rajeynayaa wanaag iyagoo isu diyaarinaya inay Mareykanka u horseedaan aaya wanaagsan, ”ayuu yiri hoggamiyaha dalka.
Mr. Kenyatta ayaa ku tilmaamay guusha Mr Biden in ay tahay mid tuusineysa sida shacabka Mareykanka ay ugu kalsoon yihiin hooggamintiisa, isagoona horaan u soo noqday madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in dadweynaha Mareykanka ay cod dheer iyo si cadba codkooda u siiyeen hoggaamiye khibrad sare leh, islamarkaana shaqo wanaagsan soo qabtay, si uu u noqdo hoggamiyaha xiga ee Maraykanka.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa intaa ku daray in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu yahay saaxiib dalka horay u soo booqday xilligii uu ahaa ku xigeenkii madaxweynihii hore ee dalkaasi Barack Obama.
Waxaa uu xusay in Mr. Biden uu dalka ka caawiyay xoojinta xiriirka adag ee u dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa u rajeeyay madaxweynaha la doortay caafimaad, isbadal wanaagsan wuxuuna balan qaaday in Kenya ay sii wadayso xiriika ay la leedahay Mareykanka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ammaanay ku xigeenka madaxweynaha Maraykanka ee la doortay Kamala Harris taasi oo noqotay haweeyneydii ugu horeysay oo qabata xilka madaxweyne ku xigeenka taariikhda siyaasadeed ee Mareykanka.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in guusha ay gaartay Kamala Harris ay rajo ku abuureyso malaayin gabdhood oo calaamka ku nool kuwaasi oo doonaya in ay guul ka gaaraan noolashooda .
Ugu dambeyntii madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Donald Trump xiriirka dhow ee wadashaqeyn ee maamulkiisu la leeyahay Kenya wuxuuna u rajeeyey wanaag maadaama uu xafiiska sii baneenayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here