Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo u diray ra’iisul wasaaraha dhawaan la doortay ee wadanka Japan Mr. Yoshihide Suga ee xilka kala wareegaya Shinzo Abe.
Mr. Kenyatta ayaa Suga u xaqiijiyay in Kenya ay ka go’an tahay inay sii wado iskaashiga kala dhexeya Japan.
Sido kale waxaa uu u rajeeyay inuu ku guulaysto waajibaadka la xiriira jagada uu qabtay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inuu rajeynayo in ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan ay ka wada shaqeyaan xiriirka laba geesoodka ee ka dhexeya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale Shinzo Abe ku ammaanay in intii uu xilka hayay ay Japan taageero horumarineed u fidisay Kenya.
Waxaa uu intaa ku daray in wada shaqeynta labada dal ay horseeday hoos u dhaca qiimaha tamarta ,wanaajinta gaadiidka iyo isgaarsiinta iyo sido kale in guud ahaan dalka la gaarsiiyay adeegga korontada.
Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xusay in Japan ay Kenya garab ku siisay inay hesho lacago lagu maalgeliyay mashaariic horumarineed oo muhiim ah sida waddooyinka , korontada, biyaha iyo kuwo kale.
Mr. Kenyatta waxaa uu Shinzo Abe uga mahadceliyay safarkii uu sannadkii 2016-kii ku yimid Kenya xilli la qabanayay shir caalami ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in socdaalkaas uu kaalin weyn ka qaatay xoojinta iskaashiga Kenya iyo Japan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here