Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha New Zealand PM Jacinda Ardern

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa fariin hambalyo ah u diray ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern kaddib markii ay mar kale ku guulaysatay hoggaaminta wadankaas.
Xisbiga haweeneydan ee Labour Party ayaa codeynta si taariikhi ah ugu guulaystay.
Waxaa ay heshay boqolkiiba 64 ee kuraasta baarlamaanka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan shacabka wadanka New Zealand horumar u rajeeyay.
Waxaa uu xusay in Kenya ay sii wadayso wada shaqeynta kala dhexeysa dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here