Madaxweynaha dalka oo wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa

Madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyatta ayaa balan qaaday inuusan ka noqon doonin dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Mas’uulka ugu sareeya ee dalka ayaa carabka ku adkeeyay inuu xooga saari doono dagaalka uu dalka ugu jiro musuqmaasuqa.
Waxaa uuna sheegay in hay’ad walba ayaa kaalinteeda ka qaadan doonto si dalka looga ciribtiro musuqmaasuqa.
Hadalkan ayuu madaxweyne Uhuru kenyatata jeediyay xilii uu la kulmay ergayga midowka yurub Stefano Dejak iyo safiirka dalka Ingriiska u fadhiya Kenya Nic Hailey.
Mr Kenyaatta ayaa safiirka Ingriiska ee dalka iyo ergayga midowka Yurub u qaabilsan ayaa ku bogaadiyay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Kenya inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda shaqo.
Dhankooda Danjire Dejak iyo Hailey ayaa si gaar ah ugu amaaney Madaxweyne Kenyatta sida uu dagaalka ugula jiro musuqmaasuqa.
Waxaa ayna sheegeen inay Kenya ka caawin doonaan dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa si uu dalka hormar muuqda u gaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here