Madaxweynaha dalka oo wafdi u diray Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa wafdi u diray wadanka Soomaaliya si loo yeesho wada hadallo ku aaddan xal u helidda caqabadda dhanka xuduudda ee jirta.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday bartiisa rasmiga ee twitarka.
Matiangi ayaa qoraalkiisa ku xusay in kaddib arrimo dhawaan ka dhacay Beledxaawo oo saameeyay Mandera , hoggaamiyaha dalka uu saraakiil sar sare u diray wadanka dariska la ah Kenya.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Eng. Karanja Kibicho ayaa dhankiisa sheegay in Matiangi uu hoggaaminayo wafdi heer sare ah oo qaabilsan amniga wadanka.
Waxay halkaas kula kulmayaan madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo.
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaasha labada dal ay khadka taleefoonka uga wada hadleen dejinta xiisadda taagan ee ka dhalatay iskudhacyada u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe ee soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, wixii ku soo kordho dib ayaad kala socon doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here