Madaxweynaha dalka oo xariga ka jaray daawada kansarka

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa shaley xariga ka jaray daawo looga hortagayo cudurka kansarka ee ku dhaca ilmo galeenka.
Daawadan oo loo yaqaano HPV ayuu madaxweynaha dalka waxaa uu sheegay inay ka faa’idaysan doonan gabdhaha 10 sano jirka ah si looga hor tago inuu ku dhaco cudurka kansarka ku dhasha ilmo galeenka .
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa daawadan xariga uga jaray dugsiga hoose dhexe ee Ziwani magaalada Mombasa waxaana wehelinayay gudoomiyaha ismamaulka Mombasa Ali Hassan Joho.
Mr Kenyaatta ayaa sheegay in furitaanka barnaamijkan ay tahay mid lagu faano oo ayna muujinayso in kor loo qaaday dagaalka lagula jiro cudurka kansarka.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa wuxuu sheegay in dowladda dalka ay kordhisay maal-galinta lagu xoojinayo baaritaanka kansarka, iyo daaweyntiisa.
Dalkani Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay ka mid ahaa wadamada uu sida weyn u saameeyay cudurka kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here